Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay inta badan xaafadaha Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa uu ka dhacay Xaafada farjano, waxaana ka dhashay khasaaro hantiyadeed.
Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso ayaa waxaa la sheegay in uu ka dhacay Guri uu Magalada Kismaayo ka degan yahay sarkaal ka tirsan Ciidamada Nabadsugida Jubbaland, kaas oo Magaciisa lagu soo koobay Ismaaciil.
Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in qaraxa uusan geysan wax khasaaro nafeed ah marka laga reebo burbur soo gaaray Albaabka Guriga uu degan yahay Sarkaalka oo ah goobta uu qaraxa ka dhacay.
Qaar kamid ah Ciidamada Booliska & Nabadsugida Jubbaland ayaa tegay halka uu qaraxa ka dhacay, iyaga oo howlgallo baaritaano ah ka sameeyay Xaafada Farjano ee Magaalada Kismaayo, kaas oo an wax dad ah lagu qaban.
Magaalada Kismaayo ayaa waxaa horay uga dhacay qaraxyo sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah iyo dilal qorsheysan oo mas’uuliyadooda ay sheegteen Al-Shabaab, waxaana qaraxaan uu kusoo aadayaa xilli la filayo in dhawaan la qabto doorashada Afarta Kursi ee Aqalka Sare uga harsan maamulka Jubbaland.



