Kismaayo-RisaalaFM- Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helaayaa Qarax duhurnimadii maanta ka dhacay xaafada Faanoole ee Magaalada Kismaaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose.
Qaraxan ayaa ka dhacay Guri ku yaalla xaafada Faanoole ee Magaalada Kismaayo, kadib markii uu ku Qarxay ninkii diyaarinayay, sida ay sheegeen dadka Degaanka.
Saraakiisha laamaha ammaanka Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in ay gacanta ku hayaan ninka falkan geystay isaga oo dhaawac ah, iyaga oo sidoo kale sheegay ninkan in ay hor geyn doonaan sharciga.
Sidoo kale saraakiisha laamaha amniga Maamulka Jubbaland ayaa waxa ay sheegeen kahor inta uusan Qaraxa dhicin ninka in ay dhaawac u geysteen, maadaama ay ku daba jireen.
Ciidanka Nabad sugidda Maamulka Jubbaland ayaa waxa ay baaritaano ka sameeyeen Guriga Qaraxa lagu diyaarinayay iyo qaar ka tirsan Guryaha ku yaalla xaafadda Faanoole.


