Qarax Gaari oo ka dhacay Iridda Hoteel Wehliye

Qarax aad u xoogan ayaa goor dhaw wuxuu ka dhacay Irida Hotelka Wehliye ee Magaalada Muqdisho, kadib markii gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay halkaasi la dhigay.

Wararka waxa ay sheegayaan qaraxan oo jugtiisa si weyn looga maqlay Magaalada Muqdisho inuu ka dhashay Khasaare dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray Illaalada Hotelka iyo dad kale oo meesha ku sugnaa.

Hotelka Wehliye waxaa ku dhagan maqaayad dadka ay ka cunteeyaan, halkaasi Khasaare ayaa laga soo sheegayaa inuu ka dhashay.