Madaxweynaha maamulka Khaatuma ayaa sheegay in ay jiraan Siyaasiyiin Badan oo doonaya in ay burburiyaan maamulka Khaatuma oo ka mid ah maamulada ka jira gobolada Sool iyo Sanaag.
Madaxweynaha maamulka khaatuma Cali Khaliif Galeyr ayaa sheegay in Siyaasiyiin kunool Magaalada Muqdisho in ay doonayaan in ay Burburiyaan maamulka uu hogaamiyo.
Dadka kunool Degaanada maamulkiisa ayuu ugu baaqay in ay la shaqeeyaan ,islamarkaana ay iska ilaaliyaan kuwo doonaya in ay burburiyaan maamulka Khaatuma.


