In ka badan 5 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen Qaraxii Maanta ka dhacay Iridda Hoteelka Wehliye ee Magaalada Muqdisho ,waxaana sidoo kale la sheegay tiro intaasi ka badan in ay ku dhaawacmeen.
Qarax oo aad u xoogana wuxuu ka dhacay Irida Hotelka Wehliye ee Magaalada Muqdisho, kadib markii gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay halkaasi la dhigay.
Afhayeenka maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in Meydka Shan qof ay goobta ka qaadeen ,islamarkaan ay suurta gal tahay in Khasaaruhu uu intaasi ka badto.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in ay jiraan dad badan oo dhaawacyo ah oo Isbitaalada loo qaaday.
Wariyaha Risaala oo goobta gaaray ayaa soo sheegaya in Qaraxuu Burbur xooggan gaarsiiyay dhismayaal ka agdhawaa Hoteel Wehliye.



