Macalinkii xulka qaranka Soomaaliya ayaa shaqada laga cayriyay ka dib labadii guuldarro ee ku dhacday kulamdii ay la cayaaray Koofurta Suudaan.
Xiriirka kubada Cagta Soomaaliya ayaa ku wargeliyey macalinka u dhashay dalka Uganda ee Haruni in laga cayriyey shaqada kadib markii ay ka soo laabteen Koofurta Suudaan.
Ninkaan ayaa Noqonaya ugu yaraan Macalinkii 10-aad ee laga cayriyo shaqada intuu uu Gudoomiyaha ahaa Xiriirka kubada Cagta Soomaaliya C.qani Saciid Carab.
Waxaa kale oo uu raacayaa wadadii kuwii isaga ka horeeyey ee aan keenin haba yaraatee wax guul ah.
Soomaaliya ayaa ka soo hartay koobka Chan Cup ka dib markii laga wada badiyey Kulamdii ay la cayaareen Koofurta Suudaan waxaana Cayaartoyda qaranka Soomaaliya ku soo laabteen magaalada Muqdisho



