Qaramada Midoobay ayaa codsatay in ka badan boqol milyan oo dollar oo lacag gargaar deg deg lagu siinayo Soomaaliya, si looga hortago cunto la’aan soo food saartay in ka badan hal milyan oo qof.
Xiriiriyaha Qaramada Midoobnay u qaabilsan Soomaaliya arrimaha gargaarka Peter de Clercq, ayaa shir jaraa’id ku sheegay in talaabo deg deg ah loo baahan yahay hadda.
Wuxuu sheegay dadka ay waayeen wixii ay ku badbaadi lahaayeen, lacagna in loo baahan yahay si looga hor tago dhibaato wayn.
“Maanta waxaan bilaabaynaa codsi gargaar oo la xiriira El Nino iyo abaaraha Somalia, si aan u kordhino wacyi galinta ku aaddan lacagaha lagaga jawaabayo abaaraha. Waxaan doonaynaa 105 milyan oo dollar si loo gaaro dad ka badan 1 milyan oo qof, iyada oo kaalmo naf lagu badbaadinayo abaar oo darani ka jirto Punltand iyo Somaliland.” Ayuu yiri.
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in nafaqo daro awgeed ay dad u dhinteen sida ay sheegayaan wararka.


