Puntland oo xukun dil ku fulisay nin dilay hooyadiis

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Garowe ee Caasimada Puntland ayaa waxa ay sheegayaan in maamulka Puntland maanta uu xukun ku fuliyay nin hooyaddiis horay u dilay.

Maxkamada sare ee maamulka Puntland ayaa maanta xukun dil ah ku fulisay Faarax Cabdi Caagane .

Maxkamada ayaa ku eedeysay in uu  3 bil ka hor Hooyadii Xaawo Jaamac Cabdulle ku dilay Deegaanka Jalam ee Gobolka Nuugaal Puntland.

Gudoonka Maxkamada Sare ee Puntland ayaa sheegay in ay heleen cadeymo rasmi ah oo ku saabsan dilka uu hooyaddiisa u geystay ninkaan oo caafimaadqaba.