Puntland oo Shir ka yeelatay weerarada Al-Shabaab & Daacish

Taliyaha qaybta booliska gobolka Nugaal G/sare Xussen Cali Maxamuud ayaa shir guddominayay shirka Amniga Gobolka Nugaal, waxana  ka qayb galay taliyeyaasha saldhigyada,kantaroolada iyo kuwa heeganka.

Shirka ayaa lagu falanqeyay weerarada ay Al-Shabaab iyo Daacish ka gaysanayaan dalka iyo sidii ciidamadu u feejignaan lahaayeen loogana hortagi lahaa weeraradooda.

Taliyaha qaybta booliska Gobolka Nugaal G/sare Xussen Cali Maxamuud ayaa ugu baaqay dadweynaha Magaalada Garoowe ay si dhow ula Shaqeeyaan ciidamada, sidoo kalena waddooyinka iyo banaanka guryahooda ku xiraan si looga hortago kuwa geeysanaya falalka Amni darro.

Sidoo kale Taliye Xuseen ayaa faray Ciidamada inay Shaqadooda dardar geliyaan oo ay laba jiaaraan, wuxuuna sicad uu u sheegay in Ciidamada lagula xisaabtami doono Shaqadooda iyo sida ay u gutaan waajibaadka loo igmaday.

Taliska qeybta Booliska Gobolka Nugaal ayaa dhwor jeer oo hore sheegay inay ka feejigan yihiin weerarada Al-Shabaab iyo Daacish , iyaga oo mararka qaar sameeyo howlgallo ka dhan ah.