Puntland oo sheegtay inay ka hortageyso Kooxaha weerarada geysta

Taliyaha Ciidamada difaaca Puntland  Janeraal Yaasiin Cumar Dheere oo & Saraakiil la socota oo booqasho ku tegay Magaalada Boosaaso ayaa sheegay in ujeedkooda uu yahay sidii ay u hubin lahaayeen amniga Guud ee Magaalada oo dhowr jeer ay weeraro ka dhaceen.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in dhamaan heegan la geliyay Ciidamada ka howlgalla Gobolka Bari si ay uga hortagaan kuwo uu sheegay in aysan aqoon meel ay iga yimaadeen, isla markaana weerar ku ah Puntland.

Taliye Yaasiin oo ay garbihiisa taagnaayeen Wasiirka Amniga Puntland & Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Bari ayaa ku amray Ciidamada inay ilaaliyaan amniga kana hortagaan weerarada ay geystaan Al-Shabaab & Daacish.

Hadalkaan kasoo yeeray Taliyaha Ciidamada difaaca Puntland  Janeraal Yaasiin Cumar Dheere ayaa waxaa uu kusoo aaday xilli maalmihii la soo dhaafay Ciidamada difaaca Puntland ay howlgallo kala duwan ka sameeynayeen dhulka Buuraleyda ah ee Gobolka Bari.