Ciidamada Booliska Iyo kuwa Madaxtooyada Puntland ayaa Sameeyay Howlgal lagu xaqiijinayay Amniga kaas oo laga sameeyay Jidadka Iyo Suuqyada Bosaaso, oo looga Gol leeyahay Amniga Guud Ee Bosaaso.
Saraakiisha Ciidamada ayaa Dadweynaha kula hadlayay Goob walbamIyaga oo Uugu Baaqay inay ilaliyan xasiloonida Degmada Iyo In Shacabka ay Qataan Awaamirta Booliska.
BoolisKa Gobalka Bari ayaa fariin u diray Dhamaan Shacabka Boosaaso iyo Waalidiintooda, taas oo ku Aadan In ay sideedii tahay Awaamiirtii Shalay ka Soo baxday ku simaha Taliyaha Qaybta Booliska ee Gobalka Bari Yuusuf Cabdi Cartan.
“Dadweynaha Ku Nool Boosaaso Waxaan U sheegaynaa In Ay Joojiyaan Dadka Wada Mudaharaadyo La Sheegaayo Cidii Arintaas Lagu Qabto Waxaa Uu Dowlada Kala Kulmi Donaan Ciqaab Maxkamadeed Oo Adag.
Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa Magaaloyin ka tirsan puntland ka socday ababulka banaanbaxyo lagu taageerayo Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmajo loogana soo horjeedo Madaxweynaha Puntland.