Puntland oo sheegtay in Daacish ay kala wareegtay saldhigyo iyo hub ay qabsadeen

Ciidamada Ammaanka Puntland ayaa maanta kooxda Daacish kala wareegay deegaanada Sheebaab iyo Kayaxa ee buuraleyda Calmiskaad ee gobolka Bari.

Saraakiisha Ciidamada hoggaamineysa ayaa waxaa ay sheegeen in ay gacanta ku dhigeen hub iyo Shidaal Daacishtu ka carartay.

Qoraal kooban oo ka soo baxay taliska howlgalka Ciribtirka Argagixisada Puntland ayaa lagu yiri Ciidanku waxay la wareegeen Sheebaab , Kayaxa iyo deegaannada ku hararysan, waxaa la qabtay Shidaal, hub iyo daawooyin loogu tegay Isbitaalka ay isticmaalayeen. labo xabaal wadareed ayaa lagu arkay magalada Sheebaab.”.

Saraakiisha Puntland ayaa sheegay in howlgal miino baaris ay ka wadaan deegaanada ay kala wareegeen kooxda Daacish.

Dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish ee ay wadaan ciidanka Puntland ayaa laga gaaray guulo wax ku ool ah, iyadoo deegaanno badan oo kooxda fariisimo u ahaan jiray laga saaray, sidoo kalena la diley boqolaal dagaalame oo isugu jira Soomaali iyo ajaanib.

Puntland ayaa bishii labaad dagaal adag kula jirta maleeshiyaadka Daacish, kuwaasi oo khatar ku ahaa ganacsatada iyo deegaanada Puntland.