Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa weerar ku qaaday deegaanka Cadaan-Laxeey ee hoostaga degmada Ruu-nirgood ee gobolka Shabeelada dhexe, halkaasi oo ah ku sugan yihiin ciidamada xoogga iyo dadka deegaanka.
Ciidamada huwanta ayaa ka hortagay weerarka ay soo qaadeen Kooxda Al-shabaab, waxaana la soo werinayaa inuu halkaasi uu hadda dagaal culus uu ka socdo.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in hubka culus ay dhinacyada isku isku weydaarsanayaan deegaanka Cadaan-Laxeey.
Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka xiligan socda, mana jiro faahfaahin ay bixiyeen saraakiisha ciidamada xoogga.
Gobolka Shabeelada Dhexe ayaa waxaa ku sugan Taliyaha ciidamada Dhulka xoogga dalka Sahal, isagoo halkaasi ka wada guluf dagaal oo ka dhan ah maleeshiyaadka Al-shabaab.
Gulufka dagaalka ayaa imaanaya xili maalmo ka hor ay Al-shabaab ay weerar ku qaadeen deegaano ka tirsan gobolka Shabeelada Dhexe, halka deegaano qaar weli ay gacanta ku hayaan maleeshiyaadka Al-shabaab.
Sidoo kale gobolka Shabeelada Dhexe ayaa waxaa ku soo qul qulaya ciidamo badan oo ka tirsan Milatariga Soomaaliya, kuwaasi oo qorsheynaya in ay howlgal ku qaadaan deegaanada ay hadda ku sugan yihiin Al-shabaab



