35 sano kadib dowladda Soomaaliya ayaa ka baxday Liiska Dowladaha lagu leeyahay qaaraanka Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobe.
Liis ay soo saareen golaha ammaanka ayaa waxaa ku jiro Dalal badan oo weli aan bixin qaaraanka, islamarkaana wax cod ah ku yeelan doonin fadhiyada golaha loo dhan yahay.
Talaabadan ayaa ka dambeysay kadib markii dowladda Soomaaliya ay bixisay qaaraankii lagu lahaa, kadib markii ay dadaal badan u gashay.
Horey dowladda Soomaaliya ayaa xubin aan joogto aheyn ka noqotay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay
Liiska wadamada weli lagu leeyahay qaaraanka ayaa waxaa ka mid ah
1-Afganistaan
2-Bolivia
3-Congo
4-Ecuador
5-Guinea Bissu
Iyo wadamo kale.



