Nugaal-RisaalaFM- Ciidamada Badda Maamulka Puntland ayaa maanta waxa ay weerar ku qaadeen 4 Doonyood oo Kalluumeysi sharci darro ah ka waday xeebta Degmada Eyl ee Gobolka Nugaal.
Saraakiisha Ciidanka Badda Maamulka Puntland ayaa waxa uu sheegay Doonyahan in ay qeyb ka ahaayeen kuwo Kalluumeysi sharci darro ah ka sameynayay xeebaha Maamulka Puntland.
Iska hor imaad dhexmaray Ciidamada Badda Maamulka Puntland iyo kooxda la socotay Doonyaha ayaa markii dambe Ciidanka Puntland waxaa u suuragashay in ay gacanta ku soo dhigaan Saddex nin oo Labo ka mid ah ay dhalasho ahaan ka soo jeedaan Dalka Yaman, halka midka kalena uu ku dhashay Soomaaliya.
Labo ka mid ah Dadka la qabtay waxaa soo gaaray dhaawac, waxaana haatan lagu dabiibayaa Isbitaalka Degmada Eyl, sida ay xaqiijiyeen Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland.
Ciidanka Badda maamulka Puntland ayaa sidoo kale waxa ay gacanta ku soo dhigeen Labo Doonyood oo ah kuwa xamuulka qaada, kuwaas oo ay wateen raggan, waxaana laga leeyahay Dalka Yaman.
Ma jiraan wax khasaare ah oo soo gaaray Ciidanka Badda Maamulka Puntland ee Howlgalkan fuliyay, sida ay sheegeenn saraakiisha Howlgalkan horkaceysay.


