Puntland oo Maanta soo geba-gabeyneysa doorashada Golaha Shacabka.

Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer dowlad Goboleed ee Maamulka Puntland ayaa Maanta waxaa ay Magaalada Garoowe ku qabanayaan doorashada kuraastii ugu dambeeysay ee Golaha Shacabka, kuwaas oo gaaraya ilaa lix kursi.

Guddiga ayaa shalay shahaadada musharraxnimo siiyay 12 musharrax oo ku tartami doona lixda kursi, waxaana kuraasta Maanta la dooranayo iyo musharrixiinta ku tartami doona ay kala yihiin.

1: Hop#22 ayaa waxaa ku tartami doona Cabdirisaaq Xasan Axmed ( Dhookir) oo katirsan Saraakiisha Hay’adda PMPF Puntland & Cali Maxamed Axmed, waxaana kursigaan horay ugu fadhiyay Daa’uud Maxamed Cumar (Bisinle).

2.Hop#199 oo ay ku fadhisay Xaawo Axmed ayaa waxaa ku tartamaya Guddoomiyaha Gobolka Mudug Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) & luul Abshir Diiriye.

3. Hop#129 ayaa waxaa ku tartamaya Sacdiya Yaasiin Xaaji (Sacdiya Salaad) oo kursigaan ku fadhisa & Sacdiyo Cabdullaahi Salaad.

4. Hop#198 oo uu ku fadhiyo Guddoomiyaha Xisbiga Himilo Qaran oo uu hoggaamiyo Shariif Sheekh Axmed ee Suleymaan Maxamuud Xaashi ayaa waxaa ku tartamaya Cismaan Cali Yuusuf (Cali Xoosh) iyo Cabdiraxmaan Ciise Maxamed.

5. Hop#191 oo ay ku tartami doonaan Cabdullaahi Maxamed Jaamac (Jigato) iyo Maxamed Cabdixamiid Warsame, waxaana kursigaan hadda ku fadhiya Daahir Maxamuud Muuse.

6. Hop#073 oo uu ku fadhiyo Cali Axmed Jaamac Jangali oo xilal kala duwan kasoo qabtay dowladihii dalka soo maray ayaa waxaa Maanta ku taratamaya Maxamed Cabdullaahi Keyse & Cabdullaahi Cabdi Jaamac.

Maamulka Puntland ayaa waxaa uu noqonayaa Maamulka Saddexaad ee soo geba-gabeeya doorashada Golaha Shacabka, waxaana haray Maamulada Hir-Shabeelle iyo Jubbaland.