Garowe-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Garowe ee xarunta Maamulka Puntland ayaa waxa ay sheegayaan in hada uu socdo kulan u dhaxeeya xubno ka tirsan ururka Al-saadicuuna bil-xaq iyo masuuliyiinta Gobolka Nugaal ee Maamulka Puntland oo uu ugu horeeyo Guddoomiyaha Gobolka Nugaal Cumar C/laahi Faraweyne.
Wariye halkaasi ku sugan ayaa soo sheegaya shirka in uu yahay mid ay yeelanayaan Guddoomiyaha Gobolka Nugaal Cumar C/laahi Faraweyne, Saraakiil ka tirsan Maamulka Puntland iyo xubno ka tirsan ururka Al-saadicuuna bil-xaq, balse ilaa hadda saxaafadu aysan helin xog rasmi ah.
Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in kulanka looga hadlayo xubnahan go’aansaday in ay ka mid yihiin ururka Al-saadicuuna bil-xaq in ay ka laabtaan fikirkaasi, saxaafadana ay u sheegaan in ay ka laabtaan.
Dhowaan ayay aheyd markii Maamulka Puntland uu Degaanadiisa ka mamnuucay ururka Al-saadicuuna bil-xaq oo looga dhawaaqay dalal uu ka mid yahay Soomaaliya.


