Maamulka Puntland ayaa Beeniyay in Koox ka tirsan Daacish ay qabsadeen degaan lagu magacaabo Saan oo ka tirsan degaanada hoos yimaada degmada Qandala.
Gudoomiyaha degmada Qandala Jaamac Maxamed Quurshe ayaa si weyn u beeniyay Wararkaasi, waxaana uu sheegay in ciidamada Puntland ay joogaan degaanka Saan.
Sidoo kale Gudoomiyaha sheegay in Daacish ay ku sugan tahay degaano u dhow Magaalada Qandala.
Waxaana uu xusay in ay bilaabi doonaan howlgallo degaanadaasi looga saarayo.
Qaar ka mid ah Warbaahinta ayaa shalay sheegay in Koox ka tirsan Daacish ay qabsatay degaanka Saan.
Sanadkii Hore ayaa Ciidamo ka tirsan Puntland iyo Daacish ay ku dagaalameen Magaalada Qandala.


