Maxkamadda Darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ee gobolada Mudug iyo Cayn ee Puntland ayaa magaalada Gaalkacyo u fariisatey kiiska dhageysiga laba nin kuwaas oo lagu eedeeyey dilka haldoorkii Gobolka Mudug gaar ahaan Dilkii Nabaddoon Cabdiqani Xasan Waloore iyo laba nin oo lagu qabtey waxyabaha Qarxa.
Maxkamadeynta raggaan ayaa ka dambeeysay kadib markii dambiyada loo heysto ay kusoo eedeysay xeer ilaalinta Maxkamadda Darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ee gobolada Mudug iyo Cayn, iyada oo fadhiga maxkamadda la horkeenay cadeymo mujinaya dambiyada ay galeen.
Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ee gobolada Mudug iyo Cayn ayaa sheegay ka sokow ragga loo heysto dilka Nabaddoon Waloore ay jiraan laba rag ah oo kale, kuwaas oo lagu qabtay degmada Galdogob ee gobolka Mudug, iyaga oo waday kartooman ay qaraxyo kujiraan.
Wuxuu sheegay in Maxkamaddu ay siideysay 4 Nin oo kale, kuwaas oo lagu waayay dambiyadii lagu eedeeyay ee ahaa inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, sidoo kalena ragga kale dhawaan xukun lagu ridi doono.
Maamulka Puntland ayaa horay xukuno kala duwan ugu riday rag lagu helay inay katirsan yihiin Ururka Al-Shabaab, isla markaana ay dilal ka geysteen magaalooyinka Gaalkacyo iyo Boosaaso,kuwaas oo qaarkood fagaarayaal lagu toogtay.



