Gudiga amniga gobolka Nugaal oo ka duulaya habsami u socodka amniga doorashada barlamAanka Aqalka hoose Soomaliya ayaa sheegay in howl galo lagu xaqiijinayo amniga in maanta laga sameyn doono gudaha caasimadda.
Gudiga amniga gobolka Nugaal ayaa faray ciidamada sugaya amniga caasimada inay qabtaan qofkii qori wata oo an ku jirin ciidamada shaqaynaya.
Gudiga amniga ayaa bulshada garowe ugu baaqay inay la shaqeyaan laamaha amniga garowe cid walba oo lidi ku ah amniga caasimada lala socod siiyo ciidamada shaqaynaya si loo qabto.
Gudiga amniga gobolka nugaal ayaa sheegay in gadiidka ciidamada ma ahane gaari kale oo ciidan in aan lagu dhex arki karin gudaha caasimada.
Ugu dambeyntii gudiga amniga gobolka Nugaal ayaa bulshada ka codsaday inay la shaqeyaan lamaha amniga si loo wada ilaaliyo nabad galyada caasimadda.



