Puntland iyo Somaliland oo heshiis is afgarad ah ku gaaray Kenya

Maamulada Puntland iyo Somaliland ayaa heshiis ku gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kaasi oo ku saabsan iskaashi Amni, siyaasad iyo Ganacsi, iyaga oo bogaadiyey gogosha nabadda Ceerigaabo ee Madaxweyne Cirro.

Waa markii u horreysey ee heshiis sidan uu dhexmaro Garoowe iyo Hargeysa oo sannado ka hor dhufayska isugu jiray.