Puntland iyo DP World oo kala saxiixday heshiis muhiim ah “SAWIRRO”

Puntland ayaa maanta la saxiitay heshiis taariikhiya shirkada DPWORLD ee wadanka Isutaga Imaaraadka Carabta, heshiiskaas oo ku saabsan balaarinta Dekada magaalada Boosaaso oo laga dhigi doono Dekad casri ah oo la jaanqaada Dekadaha waa weyn ee adduunka.

Heshiiskan maanta ay wada gaareen Maamulka Puntland iyo Shirkada P&O (DPWORLD) ayaa dhinacyada Puntland iyo P&O (DPWOLRD) waxaa ukala metelayey wefti balaadhan oo uu hogaaminayey Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo dhinaca kale oo ay u matalayeen madaxa shirkada P&O (DPWORLD) Sultan Ahmed Bin Suleyman iyo masuuliyiin kale oo wehelisay,

Qodobada gundhiga u ah heshiiska ayaa ah in deked balaceedu yahay 450 mitir joogeeda hoosena yahay 12 mitir oo cusub la dhiso, isla marhaantaan la dayactiri doono dekeda hada jirta ee Magaalada Boosaaso, lacagta lagu maalgelinayo mashruuca ayaa dhan $ 336 millionDollar, lacagtaas oo wejiga koowaad ee dekada la gelin doono $ 200 million Dollar, halka wejiga labaad ee dekada la gelin doono lacag dhan $ 136 million Dollar, dhismaha dekada ayaa lagu dhamays tiri doonaa mudo 24 bilood gudahood ah oo ka bilaabmaysa maalinta heshiiska la saxiixay, heshiiska ayaa waxaa uu socon doonaa mudo 30 sanadood ah oo ka bilaabmaysa taariikhda heshiiska la saxiixay.

Maamulaha shirkada DPWOLd Sultaan Ahmed Bin Suleyman oo ka hadlay munaasibadii saxiixa heshiiska ayaa sheegay iuu aad ugu faraxsan yahay inay heshiis la galaan dawladda Puntland, sidoo kalena sheegay inay balaadhinta Dekada Boosaaso wax badan ku soo kordhin doonto ganacsiga iyo isu socdka wadamada Africka iyo guud ahaan mandaqada oo dhan , isla marhaantaan ay diyaar u yihiin in xidhiidh wanaagsan oo ganacsi oo dhow la yeeshaan welibana ka dhabaynayaan kana midha dhalin doonaan xili dhow.

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cai Gaas ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo shirkada P&O (DPWORLD) ugana mahadcelinayo soo dhawaynta wanaagsan ee ay isu sameeyeen isaga iyi weftigii balaadhnaa ee la socday iyo weliba sida wanaagsan ee ay ugu heelan yihiin, Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in mashuruuca dekeda Boosaaso uu qaynb ka yahay mashaariicda kele ee Dawladdu wado ee horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.

 

U1 U2 U3 U6 U9