Wararka ka imaanaya dalka Spain ayaa sheegaya in kooxda Paris Saint-Germain ay xiiseyneyso saxiixa kubbad qaabeeyaha kooxda Real Madrid ee Toni Kroos.
Macallinka cusub ee PSG, Thomas Tuchel ayaa si aad ah taageero ugu ah xiddigga ay kasoo wada jeedaan dalka Germany, kaasoo ka mid ah xiddigaha ugu fiican khadka dhexe ee adduunka.
El Mundo Deportivo ayaa werrineysa in Tuchel uu bartilmaameed rasmi ah ka dhiganayo laacibka Los Blancos kubbad u naqshadeeya si kooxdiisa ugu xoojjiyo, maadaama mustaqbalka Adrien Rabiot uu yahay mid aanan la hubin.
Sidoo kale waxa ay kooxda dhammaadkii xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay ay weysay Thiago Motta oo isaga fariistay kubadda cagta, waxaana ay raadinayaan matoor khadka dhexe dhaqaajiya.
Kroos ayaa xilli ciyaareedkiisii shanaad ku qaadanaya Real Madrid, waxaana uu kusoo biirray xagaagii 2014, isagoo kula guuleystay Champions League saddex jeer, sidoo kalena La Liga ayuu la hantay kooxda Bernabeu ku ciyaarta.
Milkiilaha reer Qatar ayaa diyaar u ah inuu boorsooyin lacag ah uu ku qarash gareeyo kooxds Toni Kroos.



