Tan iyo suuqii xagaaga, waxaan weli dhjnac u badanin sheekada ku aaddan kooxda uu ku biiri doono Paul Pogba marka uu ka tago kooxda Manchester United.
Kubadda qaabeeyaha joogga dheer ayaa si aad ah loola xiriiriyay inay Barcelona la wareegi doonto, halka Juventus ay iyadane dagaal ugu jirto inay dib ula soo saxiixdaan laacibkoodii hore.
Waxaa arrimahaas u wacan in Pogba uu doonayo inuu isaga dhaqaaqo Old Trafford, maadaama ay aad isugu dhacsanyihiin macallinkiisa Jose Mourinho, isagoo maanka ku haya inuu ku biiro Barca ama inuu dib ugu laabto magaalada Turinh.
Si kastaba ha ahaatee, loollanka loogu jiro laacibkan ayaa waxaa kusoo biirray klooxda Paris Saint-Germain oo diyaar u ah inay u kiciso dhanka horyaalka France ee Ligue 1.
Sida ay werrineyso The Sun, PSG ayaa dooneysa inay ka fogaadaan inay jebiyaan sharciga dhaqaale wanaagga ee Financial Fair Play, isla markaasna ay la saxiixdaan ku guuleystaha Koobka Adduunka.
Rajada kooxda reer France waxaa sare usii qaadeysa inay kala hadleen Mino Raiolo arrinta Paul Pogba, balse geddigeeda waxaa qasab ku noqoneysa inay iibiyaan qaar ka mid ah xiddigaha ugu qaalisan kooxdooda.
Dhammaadka xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay ayaa Thiago Motta uu garoomada klubadda cagta ka baxay, halka Adrien Rabiot uu u sheegay kooxdiisa inuu ka tagayo, sidaas darteed, waxa ay kooxda Parc de Princes dooneysa laacib heer sare ah kaasoo khadka dhexe kala ciyaara Marco Veratti.



