Paris Saint-Germain ayaa soo diiday qorshihii bilowga ahaa ee ay Barcelona ku dooneysay Neymar iyadoo kooxda reer Spain ay u bandhigtay PSG xiddgo dhowr ah oo ka tirsan kooxdeeda koowaad oo uu ku jiro Antoine Griezmann si ay ugu macaaneyso heshiiska.
Barcelona ayaa dooneysa inay isxoojiso xagaagam inkastoo kubada cagta ay hakad gelisay caabuqa saf marka ah ee Coronavirus iyadoo La Liga uu hakad ku jiro halka ciyaartoyda ay guryahooda ku xayiran yihiin.
Waxay bartilmaameedyadooda ugu sareeya ka dhigteen Neymar oo Camp Nou uga tagay lacag rikoodhka adduunka ah iyo weeraryahanka Inter Milan Lautaro Martinez.
Si kastaba, jariirada Catalan ka soo baxda ee SPORT ayaa sheegeysa in xiriirkii ugu horeeyay ee ay Barcelona la sameysay PSG iyagoo u maray dadaalo inuu noqday mid fashilmay madaama kooxda Faransiiska aysan haatan ka ka fekereynin iibinta Neymar.