Alessandro Del Piero Oo Soo Doortay Afarta Ciyaartoy Ee Ugu Wanaagsan Dunida Waqtigan

Halyeygii hore ee xulka qaranka Talyaaniga iyo kooxda Juventus ee Alessandro Del Piero ayaa soo doortay afarta ciyaartoy ee ugu wanaagsan, waxaana uu boos uga waayay xiddigaha Kylian Mbappe, Paul Pogba, Sadio Mane, Mohamed Salah iyo dhamaan laacibiinta ka ciyaara horyaalka waddanka Talyaaniga ee Serie A marka laga reebo Cristiano Ronaldo.

Alessandro Del Piero oo cimrigiisii ciyaareed ku qaatay Juventus, waxa uu sheegay in Lionel Messi, Cristiano Ronaldo iyo Neymar aanay marnaba gorgotan gelaynin boosaskooda ah inay yihiin laacibiinta ugu wanaagsan caalamka ee waqtigan ciyaarta, laakiin labadii sannadood ee ugu dambeeyey liiska ciyaartoyda ugu wanaagsan ee ku tartantay abaal-marinta Ballon d’Or ayaanu Neymar kusoo bixin boosaska hore, iyadoo sannadkii ugu dambeeyeyna uu 10-ka kaalmood ee ugu horreeyaba ka maqnaaday.

Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo oo isku-geyntooda 11 jeer ku guuleystay abaal-marinta xiddiga ugu fiican dunida oo kasoo bilaabantay sannadkii 2008, isla markaana uu kaliya Luka Modric sannadkii 2018 kala jaray billadahooda xidhiidhka ah, ayaa uu Alessandro Del Piero rumaysan yahay in ay wali yihiin kuwa ugu wanaagsan.

Laakiin, waxa uu ku ladhay kubbad-sameeyaha Manchester City ee Kevin de Bruyne oo uu ku tilmaamay xiddiga afraad ee ugu wanaagsan dunida.