Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxa ay kasoo baxayaan Qarax ka dhacay Magaalada Jowhar ee Caasimada maamulka Hirshabeelle.
Qaraxa ayaa ka dhacay bosteejadda laga raaco baabuurta Aada Magaalada Muqdisho.
Waxaa sidoo kale goobta uu Qaraxu ka dhacay ka agdhow Guryo ay degan yihiin Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabeelle oo uu ka mid yahay Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Caadle.
Goobta ayaa sidoo kale waxaa ku taalla Maqaayad ay fadhiyeen dad badan.
Xiriiro kala duwan oo aan la sameynay Mas’uuliyiinta Hirshabeelle Waxa ay noo xaqiijeen in Qaraxa uu ahaa Miino.
Inta la xaqiijiyay Qaraxa waxaa ku dhaawacmay Shan ruux, waxaana sidoo kale ku dhintay hal qof.