Liverpool Oo Gebi Ahaanba Loo Diidi Doono Inay Ka Qayb-gasho Champions League

Kooxaha horyaalka Premier League ayaa khatar weyn geli doona haddii ay sii socdaan hubanti la’aanta dhamaystirka xili ciyaareedkan uu khalkhalka ku riday xanuunka Coronavirus oo sababay in la joojiyo dhamaan ciyaaraha xili toban illaa sagaal ciyaarood ay u hadhsan yihiin kooxaha.

Horyaalka Premier League ayay ballantii hore ahayd in uu dib u bilaabmo maanta oo ay bisha April tahay 4, laakiin waxa dib loogu riixay maalinta ugu dambaysa bishan ee April 30, taas oo iyadana uu ka daba yimid war kale oo ay soo saareen maamulku oo ay ku sheegeen in xilligaas aanay suurtogal ahayn in la bilaabo.

Go’aamadii ugu dambeeyey ee ay Jimcihii soo saareen EPL, EFL iyo PFA ayaa waxay meesha ka saareen in waqti cayiman oo lagu xisaabtamo ay u qabtaan xilliga ciyaaruhu dib u bilaabmayaan, waxaanay ku doodeen in hadda aanay jawaabta su’aashaas heli karin, hase yeeshee kaliya mudnaanta la siinayo bad-qabka caafimaad ee shacabka, isla markaana ciyaaruhu aanay daruuri ahayn marka badbaadada naftu taagan tahay.

Tani waxay sii kordhinaysaa walaaca ah in xili ciyaareedkan la kansalo, taas oo iyaduna khatar weyn ku ah gebi ahaanba kooxaha Ingiriiska ee ka qayb-geli lahaa tartanka Champions League.