Paris Saint-Germain ayaa doonaysa in ugu danbeyn ku guulaystaan dalabka ay caasimada Faransiiska ku keenayaan macalin Arsene Wenger, sida laga soo xigtay The Sun.
Tababaraha kooxda Arsenal ayaa muddo dheer waxay diirada u saran tahay kooxda PSG, laakiin macalinka ayaa diidan inuu ka dhaqaaqo kooxda ka dhisan London.
macalin Unai Emery ayaa la dhibtoonaya xaalada kooxdiisa, waxaana loo arkaa Wenger oo uu dhacayo dhawaan heshiiskiisa Emirates bedel ku haboon.
Sidookale tababarihii hore ee xulka Holland iyo kooxda Manchester United Lusi Van Gaal ayaa kamid ah macalimiinta lala xiriirinayo kooxda Paris Saint-Germain.
Warar xan ah ayaa dhawaan shaaca ka qaaday in maamulka sare ee kooxda Arsenal diyaarinayaan qorshe ay ku bedelayaan macalin Wenger oo aan ku guuleysan Horyaalka Tan iyo 2004.


