Mourinho Oo Cadeeyay Saddexda Ciyaaryahan Ee Ka Tagaya Kooxdiisa Bisha January

Jose Mourinho ayaa qirtay in ay tahay cadaalad haddii uu kooxdiisa u ogolaado in ay ka tagaan ciyaartoyda Manchester United aan ku heysan fursad ay ugu ciyaaraan.

Ciyaartoyda Memphis Depay iyo Morgan Schneiderlin ayaa xilli ciyaareedkan heysan fursad ay ugu ciyaaraan kooxda, waxaana ay u badan tahay inn ay dhaqaaqaan bisha January.

Sidookale Ashley Young ayaa ku jira ciyaartooyda suuqa laga doonayo, waxaana uu heystaa ciyaryahankii hore ee Aston Villa dalab lix koox ah.

Dhamaan seddexda ciyaaryahan ayaa lala xiriirinaayaa inay ka tagayaan kooxda Bisha January Everton ayaa indhaha ku heysa saxiixa Depay iyo Schneiderlin, halka Young kooxdiisa hore eee Watford dalab uu ka heysto.

Mourinho ayaa u sheegay Sky Sports News inuu u ogolyahay dhamaan ciyaartooydaan in ay ka tagaan kooxda marka uu furmo suuqa kala iibsiga ciyaartooyda.