Addis-Ababa-RisaalaFM- Heshiis ay Magaalada Addis Ababa ee Dalka Itoobiya ku wada gaareen Maamulada Khaatuma iyo Somaliland oo ka koobnaa 11 Qodob ayaa Qodob ka mid ah waxaa uu dhigayay in Ciidanka Somaliland ee dhowaan Dagaalka kula wareegay Magaalada Laas-caanood ee Gobolka Sool dib looga saaro.
Dhinacyada Maamulada Khaatuma iyo Somaliland ee heshiiskaas kala saxiixday ayaa waxa ay ku heshiiyeen in Ciidanka Somaliland ay isaga baxaan Magaalada Laas-caanood ee xarunta Gobolka Sool, kadibna la dhaqan geliyo qeybaha kale ee heshiisyada.
Wasiir ku xigeenka Arrimaha Gudaha ee Maamulka Khaatuma Abshir C/casiis Sheekh oo u waramay Idaacadda Risaala ayaa sheegay in Qodobada ugu waa weyn ee heshiiskaas ay saldhig u tahay in Ciidanka Somaliland ay ka baxaan Magaalada Laas-caanood.
Bilihii la soo dhaafay ayaa wafdiyo kala metalayay Maamulada Khaatuma iyo Somaliland waxa ay shirar uga socanayeen Dalka Itoobiya, waxaana ay ka wada hadlayeen xoojinta iskaashiga dhinaca nabad gelyada ah.


