Pep Guardiola admits he wants to learn Antonio Conte’s secretsTababaraha kooxda Manchester City Pep Guardiola ayaa qiray inuu isha ku hayo sababaha qarsoon ee ka dambeeya gulaha xiriirka ah ee tababaraha Chelsea Antonio Conte ka hor kulanka Premier League ee labada koox ay ku kulmayaan isbuuca soo socda.
Labada tababare oo ka mid ah magacyada waa weyn ee u sharaxan ku guuleysiga Premier League ayaa kulankooda ugu horeeyay xili ciyaareedkaan isaga hor imaanaya, waxaana labada dhinac ay heystaan safaf xoogaan oo guulo gaarsiin kara.
Conte waa shaqsi wax laga baran karo xiligaan la joogo Guardiola ayaa saxaafada u sheegay,tababaraha reer Spain ayaa doonaya inuu nidaamka guulaha xiriirka ah ee macalin Conte wax ka bedelo marka ay labada koox isaga hor yimaadaan Horyaalka.
City ayaa ku martigelin doonta kooxda Chelsea garoonka Etihad Stadium todobaadka soo socda, iyadoo Guardiola uu qiray in ay adag tahay in la celiyo kooxda Conte.
“Hadda waxaan doonayaa in aan la ciyaaro kooxda ugu fiican Premier League,” ayuu yiri ka dib markii kooxdiisa ka badisay Burnley.


