Paulo Dybala oo shabaqa soo taabtay kulan Juve guul ka heshay Chievo

Kooxda Juventus ayaa guul muhiim ah ka heshay dhigeeda Chievo Verona cayaar ka tirsaneyd Serie A-da Talyaaniga.

Paulo Dybala iyo Gonzalo Higuain ayaa shabaqa soo taabteen kulank Juventus ku gacan sareesay sidoo kalena gool ka kale naadiga Chievo cayaaryahankeeda Perparim Hetemaj ayaa iska dhaliyay.

Paulo Dybala ayaa badal kusoo galay kulankaan qaybta labaad wuxuuna dhaliyay gool cayaarta oo 7-daqiiqo ka harsan.

Dybala wuxuu noqday cayaaryahankii ugu horeeyay Juve ka tirsan kaasi oo sedexda kulan ugu horeyso Serie A-da goolal dhaliyo tan iyo markii David Trezeguet uu sameeyay sidaan oo kale xili cayaareedkii 2004/05.

Juventus guusha ay gaartay waxay ka dhigan tahay in Serie A-da ay haatan hogaankiisa ku hayaan 9-dhibcood ayagoo guuleesteen sedexda kulan oo ay cayaareen.