Paul Merson oo saadaaliyay kulamada todobaadkan ee Horyaalka Preamer League

Qabiirka kubada cagta ee Sky Sport Paul Merson ayaa saadaaliyay in Kooxda Arsenal ay axada garaaci doonto Man United kulanka ka dhici doona Old Trafford.

Kooxda Man United ayaa kulankaas ciyaari doonta iyadoo qaar kamid ah xidigaheeda ugu waa weyn ay dhaawacyo ku maqan yihiin.

Dhanka kale qabiirka Merson ayaa saadaaliyay in Leicester City ay ka badin doonto Norwich ayna sii ahaan doonto horyaalka halka Tottenham uu sidoo kale guul usaadaaliyay kulanka axada ee Swansea.

Hase ahaatee Merson ayaa saadaaliyay in Chelsea ay ku adkaan doonto iney ka badiso Southampton, waxaase sii socon kara ayuu leeyahay rikoorka guul daro la’aan ah ee Guus Hiddink.

Saadaasha Merson ee kulamada Sabtida Sabti

West Brom v Crystal Palace       1-1

Leicester City v Norwich City     2-1

Southampton v Chelsea                1-1

Stoke City v Aston Villa                 3-0

Watford v Bournemouth              1-1

West Ham v Sunderland              3-1

Saadaasha Merson ee kulamada Axada

Man United Vs Arsenal:           1-2

Tottenham v Swansea City     2-0