Guddiga doorashooyinka Rwanda ayaa sheegay in doorashadii ka dhacday dalkaasi uu ku guuleystay Madaxweyne Paul Kagame oo markii saddexaad madaxweyne ka noqonaya dalkaasi.
Madaxweyne Paul Kagame ayaa helay codod dhan 98%, Natiijada doorashadii shalay oo jimco aheyd ka dhacday dalkaas.
Taageerayaasha Madaxweyne Kagame ayaa bilaabay dabaal degyo, ka hor inta aan lagu dhawaaqin natiijada codka.
Intii uu Madaxweynaha ka ahaa dalkaasi ayuu sare u qaaday dhaqaalaha iyo sidoo kale Ammaanka dalkaasi.
Mr Kagame ayaa talada dalka Rwanda hayay 17 sano, sanadkii 2015 ayuu is bedel ku sameeyay dastuurka dalkaas, si uu fursad ugu sii helo inuu xukunka baaqi ku sii ahaado inta laga gaarayo sanadka 2034.



