Faah faahin Qarax Gaari oo caawa ka dhacay Muqdisho

Muqdisho-RisaalaFM- Qarax xoogan oo loo adeegsaday Gaari Walxaha Qarxa laga soo buuxiyay ayaa Maqribnimadan ka dhacay wadada Maka Al-mukarama ee magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, sida ay warbaahinta Risaala u sheegeen dad goob joogayaal ah.

Qaraxan ayaa si gaar ah uga dhacay agagaarka Hotel Ambasador oo ku yaalla inta u dhaxeysa isgoysyada Taleex iyo shaqaalaha, gaar ahaan meel aan sidaas uga fogeyn Isbitaalka Daaru-shifa.

Jugta Qaraxa ayaa waxaa si aad looga maqlay qaar ka tirsan degmooyinka gobolka Banaadir, waxaana Qaraxa uu dhacay xilli Maqrib ah.

Saraakiisha Ciidamada Booliska ayaa Risaala u xaqiijiyay Qaraxan in ay ku dhinteen ilaa Saddex Qof, halka sidoo kalena ay ku dhaawacmeen Shan Qof oo kale, inkastoo khasaaraha intaasi uu ka badan karo.

Qaraxa ayaa markii uu dhacay waxaa wadada Maka Al-mukarama mar qura laga maqlay rasaas fara badan oo ay rideen Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ka tirsan oo goobta ka akdhowaa.

Saraakiisha Gaadiidka deg dega ah ee Ambalaasta ayaa sheegay halkaasi in ay u direen qaar ka tirsan shaqaalahooda, si halkaasi ay uga soo qaadaan dadkii ku waxyeeloobay Qaraxaasi, oo ay u gaarsiiyaan goobaha caafimaadka.

Qaraxan ayaa burbur xoogan u geystay goobaha Ganacsi ee ku yaalla goobta uu Qaraxa uu dhacay, xaalada goobta uu Qaraxa ka dhacay ayaa hada ah mid kacsan, waxaana baaritaano wada Ciidamada ammaanka Dowladda.

Dad goob joogayaal ah ayaa Risaala u sheegay Gaariga Qarxay in uu marayay wadada, ilaa hadana lama oga bartilmaameedka halka uu ahaa.