PSG oo isku diyaarinaysa inay la soo wareegto mid ka mid ah difaacyada United

Kooxda kubadda cagta Paris Saint-Germain ee ka dhisan caasimadda Faransiiska ayaa la soo warinayaa inay isku diyaarinayso sidii ay kula soo wareegi lahayd difaaca naaidga Manchester United ee Marcos Rojo.

Dambeedka dhexe ee reer Argentina Rojo kaasoo 14 bilood uu kaga harsanyhaya heshiiskiisa garoonka Old Trafford ayaa la sheegayaa inuu ku guuldarreystay inuu horumar ka sameeyo wadahadallada heshiis kordhinta kooxdiisa.

Wargeysta The Sun ayaa warinaya haatan in PSG ay doonayso sidii ay Rojo ku keeni lahayd caasimadda Waddanka Faransiiska, halkaasoo uu ka ciyaaro xiddiga ay ka wada tirsan yihiin xulka qaranka Argentina ee Angel Di Maria iyo sidoo kale xiddigaha ay ka soo wada jeedaan Koonfurta Maraykanka ee Neymar Jr iyo Dani Alves.

Tababaraha kooxda Man Utd ee Jose Mourinho ayaa doonaya inuu difaacan dhexe ka saxiixdo qandaraas cusub oo uu ku sii joogayo garoonka Old Trafford, isagoo qeyb ka ah qorshihiisa mustaqbalka ee kooxda.

Rojo, kaasoo dhawaan ka soo laabtay dhaawac jilibka ah oo soo gaaray bishii April ayaa ku adkeystay inuu diyaar u yahay inuu ku soo laabto booskiisa joogtada ah ee difaaca kooxdiisa.