Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka bilowday Olole doorasho oo qaar ka ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ay ugu jiraan sidii ay u raadin lahaayeen xilkii uu baneeyay Gudoomiye Jawaari.
Qaar ka mid ah Xildhibaanada kasoo jeedda maamulka Koonfur Galbeed ayaa saacadihii lasoo dhaafay bilaabay Olole ku aadan raadinta xilkaasi.
Hoteellada Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka socda kulamo kala duwan oo arintaasi ku saabsan, waxaana lagu waddaa in xildhibaano badan ay ku dhawaaqaan in ay u sharaxan yihiin gudoomiyaha Golaha Shacabka.
Inkastoo aanay weli jirin Musharax ku dhawaaqay inuu u taagan yahay xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka, hadana hadal heynta suuqa ku jirta ayaa ah in dhowr Musharax ay damac kaga jiraan xilkaas.
Kulamo tan iyo xalay socday ayaa waxaa uu weji cusub u yeelay hardanka loo geli doono xilka banaan ee Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la doonayo in 15 maalmood gudahood lagu soo doorto.