Olivier Giroud ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay Arsenal, inkastoo uusan weli kusoo bilaaban kulna katirsan Premier League xilli ciyaareedkan.
Weeraryahanka Arsenal Olivier Giroud ayaa sheegay inuusan ka qoomameyneynin go’aankiisa ahaa inuu sii joogo kooxda ka dhisan Premier League.
Giroud, oo 31 sanno jir ah, ayaa lala xiriiriyay inuu ka dhaqaaqayo kooxda Gunners xilli ciyaareedkaan, laakiin waxa uu go’aansaday inuu si joogo.
Xiddiga heerka caalami ee dalka Faransiiska ayaan weli kusoo bilaaban horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan, waxaana uu dhaliyay kaliya hal gool 10 kulan oo uu bedel kuso galay.
Giroud, oo gool ka dhaliyay Wales kulankii ay 2-0 kaga badiyeen Paris, ayaa sheegay inuu weli ku faraxsan yahay go’aankiisa ahaa inuu sii joogo Emirates Stadium.
“Wakhti xaadirkaan ma isweydiiyo mustaqbalkayga,” ayuu u sheegay wargeysyada kasoo Uk.
“Waan ku faraxsanahay Arsenal, waan ku faraxsanahay go’aanka ah inaan joogo halkaan, sababtoo ah waxaan doonayaa inaan wax badan oo hamigayga ah gaaro ayuu hadalkiisa ku daray Olivier Giroud.