OIC oo si kulul uga hadlay Dilkii Gudoomiyihii Gobolka Galgaduud

Ururka iskaashiga Islaamka ee OIC ayaa si kulul u cambaareeyay dilkii Magaalada Muqdisho loogu geystay Gudoomiyihii gobolka Galgaduud Maxamed Cali Cilmi iyo walaalkiis.

War qoraal ah oo kasoo baxay OIC ayaa lagu sheegay in falkaasi uu  ahaa mid laga naxo, islamarkaana dowladda Soomaaliya laga doonaayo in ay ku sameyso baaritaano.

Xoghayaha Guud ee OIC Yuusuf Alcusmaani  ayaa dilka Gudoomiyaha ku tilmaamay mid waxushnimo ah oo meel kaga dhacaya qiimaha diinta Islaamka.

Waxaa uu tacsi u diray dhammaan umadda Soomaliyeed, isagoona sheegay in OIC ay si waddi doonto taageerada ay siiso dowladda Soomaaliya.

Habeenkii Jimca ayay aheyd Markii Magaalada Muqdisho lagu dilay Gudoomiyihii gobolka Galgaduud iyo walaalkiisa, waxaana Mas’uuliyadda dilkiisa sheegtay Al-Shabaab