Odayaasha soo xulaya Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo Maanta la xareynayo

Guddiga Farsamada Madaxa-banaan ee soo xulista Xildhibaanada Baarlamaanka labaad ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa lagu wadaa inay Maanta xareeyaan Odayasha soo xulaya Xildhibaannada Cusub ee Maamulkaas.

Guddiga oo shalay soo saarey Habraaca soo xulista Baarlamaanka 2-Aad ee Koonfur Galbeed ayaa shaaciyey in Odayaashaas loo bilaabi doono tababar ku saabsan soo xulista Xildhibaanada Koonfur Galbeed ila laga gaaro 29 Bishaan.

Sidoo kale soo xulis kadib ayaa lagu wadaa in sirasmi ah in loogu dhawaaqo Xildhibaannada Cusub ee Baarlamaanka labaad ee Koonfur Galbeed  16-ka Bishan ilaa iyo 19-ka.

Wararka laga helayo Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa waxaa ay sheegayaan in saaka halkaasi laga daremayo qaban qaabada xareynta Odayaasha,isla markaana ammaanka siwyen loo adkeeyey.

Dhinaca kale waxaa Baydhabo ka socda kulamo u dhaxeeya musharixiinta doonaya inay kamid noqdaan Baarlamaanka labaad ee Koonfur Galbeed iyo Odayaasha Dhaqanka si loo dardar geliyo howlaha xulista Xildhibaannada.