Obama oo sheegay in uu Tallaabo ka qaadi doono Ruushka

Madaxweyanaha dalka Mareykanka Barack Obama ayaa wacad ku maray inuu tallaabo adag ka qaadi doono Ruushka oo lagu eedeeyay inuu faragelin ku sameeyay ololihii doorashadii madaxtinnimada Mareykanka.

“Waxaa loo baahanyahay in aan tallaabo qaadno, waana qaadi doonaa”, ayuu yiri madaxweyne Obama oo la hadlayay idaacadda NPR oo laga leehay dalka Mareykanka.

Mareykanka ayaa ku eedeeyay Ruushka inuu u jabsaday eemeelada xisbiga Dimuqraadiga iyo mid kamid ah shaqaalaha aad ugu dhaw Hillary Clinton. Moscow ayaa si adag u beenisay eedeymahaasi.

Madaxweynaha la doortay ee xisbiga Jamhuuriga Donald Trump ayaa sidoo kale eedeymahaaasi ku gacanseyray waxuuna ku tilmaamay kuwo “macno-darro ah” dano siyaasadeedna laga leeyahay.

Hay’adaha sirdoonka ayaa sheegay inay hayaan cadeeymo muujinaya in kuwa u jabsaday interneetka Dimuqraadiga la tuhunsan yahay inay xiriir la leeyihiin xukumadda Moscow.