DHAGEYSO: Obama iyo Kenyatta oo ka wada hadlay Qaxootiga Dhadhaab

Kenya-RisaalaFM- Madaxaweynaha Dalka Maraykanka Brack Xuseen Obama ayaa sheegay in ay dowladdiisu gacan ka geysanayso daboolidda baahida dadka Qaxootiga ah iyo bulshooyinka marti-geliya intuba.

Obama oo khadka taleefanka kula hadlayay xalay dhiggiisa dalka Kenya, Uhuru  Keyatta ayaa tilmaamay caqabadaha Kenya ay kala kulanto marti-gelinta Boqolaalka Kun ee Qaxootiga Soomaaliyeed ah, ee muddo ka badan 25 sano ku nool dalkeeda iyo sida Kenya ay ugu baahan tahay iney taageero caalami ah ugu hesho qaabbilaadda dadkaas.

Madaxweyne Obama oo aan qeexin fekerkiisa ku aaddan hadalkii dhawaan kasoo yeeray dowladda Kenya ee ku aaddanaa xirista xeryaha Qaxootiga Dhadhaab, ayaa u ekaa mid aan raalli ka ahayn qorshaha Kenya.

Dhowaan ayay ahayd markii ay Kenya shaacisay iney Albaabbada u laabi doonto xerada caalamka ugu weyn ee Dhadhaab,taasoo ay si weyn uga soo horjeesteen Dowladda Soomaaliya iyo Beesha Caalamka.