Nin Soomaali ah weerar ku qaaday goob ganacsi oo ku taalla Mareynkanka

Wararka naga soo gaaraya magaalada Minesoto ee dalka Mareynkanka ayaa sheegaya in nin Soomaali ah uu weerar ku qaaday goob ganacsi oo ku taalla halkaasi.

Inta la xaqiijiyay 8 qof ayaa ku dhawacantay weerarka uu geystay ninka Soomaaliga ah.

Warbaahinta dalka Mareynkanka ayaa kusoo waramaysa in ninka Soomaaliga ah uu ku hubeysanaa Tooray ama Mindi , uuna weerar toos uu ku qaaday goob ganacsi oo ay dad badan ku sugnaayeen.

Ciidamada Booliska ayaa toogtay ninka ka dib markii ay soo gaareen goobta ay wax ka dhaceen.

Taliye ku xigeenka ciidanka Booliska ayaa sheegay in ninku uu ku qeylinayay Alaaho Akbar.

Dadka ayuu waydiinayeen in ay  muslim yihiin iyo inkale.