DHAGEYSO: Maamulka degmada Buurhakaba oo baaq u jeediyay Koonfur Galbeed

Shacabka kunool magaalada Buurhakabo ee gobolka Baay ayaa qeylo dhaan ka muujiyay biyo La’aan soo food saartay degmada Buurhakabo ee gobolka Baay.

Degmada Buurhakaba ayaa dhanka Waqooyi kaga beegan 60 KM magaalada Baydhabo ,waxaana hada soo wajahay dadka kunool degmadaasi biyo la’aan aad u baahsan.

Gudoomiyaha degmada Buurhakaba Maxamed Cabdi Maxamed oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dadka kunool degmada Buurhakabo ay soo wajahday xaalad aad u adag ka dib markii ay gureen warihii biyaha ay ka heli jireen shacabka kunool degmada Buurhakaba.

Dowladda Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed ayuu ugu baaqay in ay si deg deg ah u soo gar gaaraan dadka kunool degmada Buurhakaba oo uu xaaladooda ka dayriyay.