Pretoria-RisaalaFM- Dhacdo xanuun badan ayaa ka dhacday Magaalada Pretoria ee dalka Koonfur Afrika, kadib markii nin Soomali ahaa uu dilay xaaskiisii hore, kadibna markii uu dilka geystay ayuu isaguna is dilay.
Booliska Magaalada Pretoria ee dalka Koonfur Afrika ayaa magaca ninkan Soomaaliga ah waxa ay ku soo koobeen Axmed, halka xaaskiisana magaceeda lagu sheegay Deeqo.
Deeqo (Yariisey) ayaa la sheegay in ay ka mid aheyd ganacsatada Magaalada Pretoria ee dalka Koonfur Afrika, waxaana Axmed ay u heysay Hal gabar, sida ay sheegeen deriska Qoyskan.
Goobjooge ayaa warbaahinta gudaha u sheegay Axmed marka uu dilka geystay in uu isku dayay goobta in uu ka baxsado, balse Booliska oo ku raad joogay ayay u suurta geli weysay in uu baxsado, kadib isaga oo saaran saqafka guriga ayuu Madaxa isaga dhuftay xabad.
Soomaalida ku nool Magaalada Pretoria ee dalka Koonfur Afrika ayaa falkan waxa ay uga naxeen si aad ah, waxaana ay sheegeen in ay tahay dhacdo xanuun badan.



