AKHRISO: Qeybta 2-aad Dhacdooyinkii sanadka 2016-ka

Muqdisho-RisaalaFM- Dhamaan saaxiibada ku xiran Website-ka Radiorisaala.com ama Risaala.net waxaan halkan ugu soo gudbineynaa dhacdooyinkii ugu waa weynaa ee Soomaaliya ka dhacay Bilaha May, June, July iyo August.

MAY

Guddoomiyihii Maxkamadda sare, Caydiid C/llaahi Ilko-xanaf ayaa 04-tii May ee 2016 laga qaaday xilka, waxaana Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka loo magacaabay, Dr. Ibraahim Iidle Suleymaan.

Wasiirka Amniga Puntland, Cabdi Xirsi Qarjab, ayaa 05-tii May ee 2016 ku dhaawacmay Is-rasaasayn dhex-martay ilaalada Taliyeyaasha ciidamada Birmad-ka iyo Booliiska Puntland, kuwaaso ku dagaallamay goob ay ka socotay tira-koob ciidan.

Maalin Isniin aheyd Taariikhduna ay ku beegneyd 09-kii May 2016 Xarunta talista ciidanka ilaalada wadooyinka ee taraafikada ayaa waxaa ka dhacay qarax ay ku dhinteen 5 Qof halka sidoo kalena ay ku dhaawacmeen tiro intaa ka badan, Kadib Qarax loo adeegsaday Gaari nooca raaxadda ah, kaas oo lagu dhuftay albaabka hore ee xarunta fiisho-Taraafico ee degamada Cabdi-caziiz.

5 Dagaalame oo ka tirsan Shabaab, ayaa 14-kii May ee 2016 lagu dilay duqeyn ay diyaarado Helicopter-ro ah ka geysteen Deegaanka Furuqley oo qiyaastii 25-km dhinaca Waqooyi kaga beegan Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellada Hoose.

Tahriibayaal tiro ahaan ku dhaw 700 oo qof oo doonayay in ay galaan Talyaaniga ayaa 29-kii May ee 2016 waxa ay ku Geeriyoodeen Badda u dhexeeya Waddanka Talyaaniga iyo Liibiya, sida ay ku warrantay Hay’adda Qoxootiga QM ee UNHCR.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa 30-kii May ee 2016 Xukunno kala duwan ku riday dadkii loo heystay qaraxii diyaaradii Daallo Airlines, lala beegsaday, iyadoo garoonka Muqdisho ka duushay kuna socotay Dalka Jabuuti, Waxaana Mas’uuliyadda weerarkaas sheegtay Al-shabaab.

Sabti, Abriil 02, 2016  — Al-shabaab ayaa  ku toogtay degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe – Nin u dhashay dalka Tanzania, kaasoo ay ku eedeeyeen inuu ahaa jaajuus u shaqeynayay sirdoonka dalka  Mareykanka.

JUNE

Arbaco, Juun 01, 2016 ) — Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Somalia [NISA], ayaa sheegtay inay Madaxii Amniyaadka Al-shabaab ku dileen howlgal gaar ahaa oo ay ka ka fuliyeen deegaanka Kuunya-Barroow oo ku yaalla Xadka Gobollada Shabeellada Hoose iyo Jubadda Dhexe.

Khamiis, Juun 02, 2016 — Ciidamada dowladda Somalia ayaa sheegay inay soo af-jareen weerarkii Hotel Ambassador oo ay  weerareen xoogag ka tirsan Al-shabaab, waxaana weerarkaa ku dhintay 15-qof oo ay ku jiraan xildhibaan oo baarlamanka Somalia, iyadoo ay ku dhaawacmeen in ka badan 50-qof oo kale.

Sabti, Juun 11, 2016  — Al-shabaab, ayaa  toogasho ku dilay laba nin oo Keenyaan ah, kuwaasoo ay Jaajuusnimo ku eedeysay, waxaana lagu Toogtay fagaare ku yaalla bartamaha degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe.

Talaado, Juun 14, 2016 — Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Somalia iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho – ayaa  si Wadajir ah Xarigga uga jaray Sheybaarka Dhexe ee Caafimaadka Xoolaha Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho.

Sabti, Juun 18, 2016  — Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Puntland, ayaa Dil ku xukuntay 43-ruux oo ka mid ah Dagaal-yahannadii Al-shabaab ee lagu soo Qabtay dagaalkii Puntland iyo Al-shabaab ku Dhexmarya Deegaannada Xeebaha ku yaalla 14-kii bishii Abriil.

Arbaco, Juun 22, 2016 —Taliyihii ciidamada nbadsugidda gobolka shabeelaha dhexe ayaa  waxaa toogasho ku dilay saddex askari oo ka tirsanayd ilaaliadiisa.

Sabti, Juun 25, 2016  — Ugu yaraan 15-qof ayaa ku dhintay, iyadoo sidoo kalena ay dhaawacyo kasoo gaareen Labaatameeyo Ruux, Weerarro culus oo ay  Hotel Naasa Hablood ee Muqdisho la beegsadeen Xoogag ka tirsanaa Al-Shabaab.

Khamiis, Juun 30, 2016  — Inta la og-yahay 18-ruux ayaa ku dhintay, Lix Ruux oo kalena way ku dhaawacmeen, qarax miino oo gaari Dadweyne waday lagula eegtay inta u dhaxeysa deegaannada Lafoole iyo Xaawo Cabdi oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose .

JULY

Ugu yaraan Afar Qof ayaa ku Geeriyoooday, 20 kalena way ku dhaawacmeen kaddib markii 02-dii July 2016 xilli Habeen ah la duqeeyay xaafaddo ka Tirsan degmada Beydhabo ee xarunta gobolka Bay oo ay degan yihiin dad rayid ah.

Xubno ka tirsan golaha wasiirada maamul-goboleedka Galmudug, ayaa 17-kii July 2016 ku geeriyooday Shil baabuur oo ka dhacay agagaarka Degaanka Bandiirad-leeyd ee Gobolka Mudug.

Shilka ayaa waxaa ku geeriyooday Wasiir-u-dowlaha Hawlaha Guud, Aweys Cali Siciid, Wasiir-u-dowlihii Maaliyada, Axmed C/llaahi Diiriye Baashe, Nabad-doon lagu magacaabi jiray C/llaahi Yuusuf Guuleed iyo ruux ilaalo u ahaa.

11-ruux oo isugu jira Ciidammo iyo Dad Shacab ah ayaa 26-kii July 2016 maalin Talaado ah ku dhintay laba Qarax culus oo ka dhacay Agargaarka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cade ee Muqdisho, gaar ahaan inta u dhexeysa Albaabbada Xalane iyo Garoonka laga kala galo.

Cayaartoydii Maamulka Puntalnad, ayaa 26-kii July 2016 ku Guuleysatay Koobka Kubadda Cagta ee Maammul-goboleedyada Dalka ee Muqdisho ka socday, kaddib markii ay ka adkaadeen xulkii Jubbaland.

Taliyihii hore ee Nabad-sugidda iyo Sir-doonka Gobolka Banaadir, Jen. Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) ayaa 27-kii July 2016 si Rasmi ah loogu Magacaabay Taliyaha Hoggaanka Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya.

Axad, July 31, 2016— Ugu yaraan 15 ruux oo ay ku jiraan Kooxihii weerarkan ka dambeeyay ayaa 31-kii July 2016 Maalin Axad ah waxa ay ku geeriyoodeen Weerarro is-miidaamin iyo toos ah oo xoogag ka tirsan Al-shabaab ay ku qaadeen xarunta CID-da ee Muqdisho, iyadoo ay ku dhaawacmeen in ka badan 20-qof.

AUGUST

Arbaco, August 03, 2016 — Xukuumadda Somaliland ayaa  mamnuucay Baasaboorka Somalia ee sida qarsoodiga ah loogu samayn jiray Somaliland in aan madaaradda lagaga dhoofi Karin, isla markaana aan lagu soo gali Karin.

Isniin, August 08, 2016 Waziirka Dhallinyarada iyo Isboortiga, Maxamed Cabdullaahi Xassan ayaa sheegay inuu ka badbaaday qarax la damacsanaa in lagu khaarajiyo.

Arbaco, August 10, 2016 –Ilhaan Cumar ayaa kuguuleysatay xubinimada baarlamaanka ee dobolka Minnesota, dalka Mareykanka .

Jimco August 12, 2016 -Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dalkiisu xiriirka u jaray dawlada Iiraan maadaama ay dawladaasi halis ku tahay dalalka Carabta.

Axad, August 14, 2016 -Ciyaaryahanka kasoo jeeda Soomaaliya ee Mo Faarax ayaa ku guuleystay orodka 10ka kun ee olombikada ee Rio ee dalkaasi Brazil.

Sabti, August 20, 2016 –Jeneraal Maxamed Cali Samatar oo xilal badan kasoo qabtay Soomaaliya ayaa ku geeriyooday gobolka Virginia ee Mareykanka.

Axad, August 21, 2016 — Labo Qarax oo is-miidamin ahaa, ayaa  ka dhacay Xarunta Dowlada hoose ee degmada Gaalkacyo, kaddib markii lagu weeraray gaari laga soo buuxiyay walxaha Qarxa, kaaso Qaraxyada lagu  bilaabay.

Arbaco, August 24, 2016  — Ugu yaraan 18-qof ayaa ku geeriyooday dagaallo labadii cisho ee ka socday deegaanno ka tirsan gobolka Bakool, kuwaasoo u dhexeeya ciidanka dowladda Somalia iyo qaar ka mid ah xoogagga Al-Shabaab.

W/D:- Feysal A/laahi Mohamud