Baay-RisaalaFM- Taliyaha Ciidanka Booliska ee Gobolka Baay korneel Mahad C/raxmaan oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay Shabaabka ku sugan Gobolka Baay in ay bedeleen xeeladii Dagaal.
Waxa uu sheegay Taliyaha Shabaab weeraradooda in ay u bedeleen qaabab kale oo ay ku dhibaateeyaan shacabka ku nool Degaanada Koonfur Galbeed, gaar ahaan Gobolka Baay.
Korneel Mahad C/raxmaan Taliyaha Ciidanka Booliska ee Gobolka Baay ayaa waxa uu sheegay in ay ka war hayaan dhaq dhaqaaqyada ay Shabaab ka wadaan meelo ka mid ah Gobolka Baay.
Waxa uu sheegay Maamulka Koonfur Galbeed in uu qorsheynayo sidii Shabaab looga saari lahaa guud ahaan Degaanada ay kaga sugan yihiin Gobolka Baay.
Ugu dambeyntii Taliyaha Ciidanka Booliska ee Gobolka Baay korneel Mahad C/raxmaan ayaa shacabka ugu baaqay in ay la shaqeeyaan Ciidamada, si looga hortago weerarada Shabaab.


