Nin Soomaali ah oo weeraray jaamacad ku taalla Mareykanka

Wararka ka imaanaya dalka Mareykanka waxay sheegayaan in nin Soomaali ah oo lagu magacaabo Cabdirisaaq Cali Carte uu weeraray jaamacadda Ohio.

Ninka oo da’diisa lagu sheegay 20 sano jir, ayaa sidoo kale arday ahaa.

Sideed qof ayaa ku dhaawacantay weerarka ka dib markii gaari uu jiirsiiyay dad ku sugnaa jaamacadda gudaheeda.

Ninkaasi ayaa markaasi ka dib gaariga ka degay wuxuuna billaabay inuu middi ku weeraro dadkii kale.

Waxaa markii dambe toogasho ku dilay booliska oo Jaamacadda Ohio gaaray.

Booliska waxay sheegeen in arrintaasi ay baarayaan si ay u ogaadaan inuu ahaa mid argagixiso ama weerar kale.

 

Maamulka jaamacadda ayaa sheegay in hadda xaaladdu ay deggan tahay.

Waxaa kaloo ay xaqiijiyeen in howlgalkii ciidamada uu dhammaaday.

Dadka dhaawacmay waxaa la sheegayaa in xaaladooda caafimaad wanaagsan tahay, cisbitaalka ay ku jiraan.

Xigasho BBC