Nin tooreey ku dilay Nin kale Magaalada Hargeysa

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Hargeysa ayaa waxaa ay sheegayaan in Nin kamid ah dadka kunool halkaasi uu Maanta Nin kale ku dilay Tooreey xilli ay ku wada sugnaayeen Aaga Suuqa Waaheen.

labada Nin ayaa waxaa goobjoogayaal sheegeen inay ahaayeen kuwo Magaalada Hargeysa si muruq maal ah uga wada Shaqeysan jiray Gaari gacan, hayeeshee dilka uu yimid kadib markii khilaaf uu soo kala dhexgalay.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in Ninka dhintay tooreeyda qoorta laga geliyay, isla markaana isla goobta labada Nin ay ku dagaalameen uu ku dhintay.

Ciidamada BooliskaSomaliland ayaa tegay goobta falka uu ka dhacay, iyaga oo xiray Ninkii tooreyda ku dilay Ninka kale, iyaga oo saraakiisha Ciidamada ay sheegeen inay baaritaan ku sameeynayaan waxa sababay dagaalkooda.

Magaalada Hargeysa ayaa waxaa aad ugu badan dadka ku hubeysan tooreyda ee u badan kuwa xamaalatada ah, waxaana dhowr jeer dhacay falal noocaan oo kale ah.